Soomaali loo heysto inuu gowracay nin 52 jir ah oo lagu xiray dalka Jarmalka

Nin Soomaali oo looga shakisanyahay inuu dilay  Nin 52 Jir ah oo aan dhalashadiisa la sheegin ayaa lagu xiray dalka Jarmalka

Magaalada Regen oo ka tirsan Gobolka Bayern ee dalka Jarmalka ayaa Isniintii hore waxaa Maydkiisa laga helay 52 Jir ku noolaa Hoyga Dadka Bilaa Hoyga ah, kaasoo midi lala dhacay, sida ay warbaahinta qaar sheegayaana Madaxa laga Jaray.

Laba saacadood kadib dhimashada 52 Jirkaas waxaa gacanta lagu dhigay Wiil Soomaali ah oo 21 Jir ah, kaasoo la sheegay inay wada daganayeen ninka 52 Jirka ah ee Geeriyooday .

Booliska markii ay qabteen wiilka Soomaaliga ah ayaa ka dib baaritaan ay ku sameeyeen waxay ogaadeen inuu Danbiyo hore galay kuwaasoo iskugu jira burbur hantiyeed iyo dhaawacyo Jireed, kuwaasoo sababay in lagu tuhmo dilka ninkan.

Booliska ayaa sheegay inuu wali baaritaan ku socdo, wiilka Soomaaliga, ayna raadinayaan cadeymo dhameystiran oo kiisan ku saabsan.

Dadka degaankaasi ku nool ayaa aad uga naxay waxayna dhacdadani soo xasuusisay dhacdadii ka dhacay Magaalada Würzburg ee uu wiilka Soomaaliga ah 3 qof ku dilay, dhawr kalena ku dhaawacay.

Shalay ayey aheyd markii Booliska Magaaladda Frankfurt ay toogasho ku dhaawaceen 27 jir  Soomaali ah oo ku hubaysnaa laba midiyoood kaasoo isku dayey inuu dilo oday Waayeel ah oo uu weeraray.

Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa ka walaacsan dhacdooyinkan iyaga loo nisbeynayo iyagoo ka cabsi qaba in loo geysto dhibaatooyin kaga yimaada dadka cunsuriyiinta ah ee neceb soo galootiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -